Qofka ugu da’da weyn Adduunka oo ka codeynaya doorashada Dalka Zimbabwe

0
123

Bishan 30keeda Dalka Zimbabwe waxaa ay dhaceysa doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay,waxaana ku dhawaaqay Madaxweynaha cusub ee dalkaas  Emmerson Mnangagwa.

Arrimaha xiisaha leh ee doorashadan ku gedaaman waxaa ka mid ah in labada qof ee ugu da’da weyn Caalamka ay ka codeynayaan.

Inta badan Reer Galbeedka waxaa ay sheegaan in xaggooda laga helo dadka ugu da’da weyn adduunka,hayeeshee dalka Zimbabwe labo qof oo da’ ah ayaa doorashadan ka codeynaya waxaana ay kala jiraan 141 sano iyo 136 Sano,sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada.

Ra’yi ururin ay sameeyeen Kaniisadaha dalka Zimbabwe kana qaadeen dadka isdiiwangeliyay waxaa ay muujineysaa in shacabka codeynaya aysan 58%ku qanacsaneyn guddiga doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Zimbabwe Priscilla Chigumba,ayaa sheegay in wax kasta oo qalad ah ay guddi hori ka sixi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here