Tanzania oo Qabatay gaari Ambulance ah oo Lagu so Qariyay Qaad Ama jaad,

0
157

Ciidamada Amaanka Tanzania ayaa Gacanta ku Dhigay Darawal Kaxaeynayay Gawaarida Gurmadka Deg Deg ah ee loo Yaqaan ambulance kaasi oo waday Jaadka Mamnuuca ka ah Dalkaasi,oo lagu qiyaasay 800,kiilo.

Darawalka ayaa Laga Codsaday in uu Qaado Ruux xanuunsan waxaa uuna sheegay in Gaariga uusan Laheyn shidaal kadibna La arkay Umbulance-tii oo socota taasi oo shaki Galisay ciidamada police-ka sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha amniga ee ku sugan magaalada Tarime ee gobolka waqooyi galbeed ee tanzania.

Dalalka ku yaal wadamada Bariga afrika ayaa isticmaalka qaadka waxaa uu ka yahay wax iska caadi ah oo ay maalinle bulshadooda ka dhigteen in ay Cunaan,Balse wadanka Tanzania ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada Naadir ka ah ee Afrika oo Mamnuucay Cunista Qaadka iyo ka ganacsigiisa intaba.

Dadka u dhashay Tanzania iyo dowlada ayaa u arka in uu yahay qaadka waxyaabaha ugu daran ee maanka dooriya caafimaad daro iyo caaajisna ku abuura dadka isticmaala.

Darawalka La Qabtay ayaa la dhigay xarumaha Police-ka si baaritaano uu u wajaho ka hor inta uusan ka soo muuqan Maxkamada uu ku muteysan doono sanado xabsi ah sida uu dhigayo sharciga dalkaasi.

Taliyaha Guud Ciidamada Police-ka Juma Ndaki oo la hadlay Wargeyska Mwananchi newspaper ayaa sheegay in uu Qaadka kaga yimid wadanka Kenya oo daris ay yihiin kaasi oo isticmaalka iyo ka Ganacsiga uu yahay mid Sharci ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here