Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka Oo Loogu Baaqay Inuu Is-Casilo, Kadib Geeridii Magangelyo-Doon La Tarxiilay.

0
95

Wasiirka oo lagu magacaabo Horst Seehofer ayaa qarka u saaran in shaqada laga cayriyo, kadib, markii uu hadal jeesjees ah sheegay markii la soo gaarsiiyey in Magan-gelyo-doon  u dhashay dalka Afganitan oo ka mid ahaa 69 qof oo laga masaafuriyey Jarmalka  is-daldalay markii lagu celiyey dalkiisa hooyo.

Wasiirka oo 69-sanno jirsaday maalintii ku xigtay markii uu Dhibanahaasi is-dilay ayaa u qaatay warkaasi naxrdita lahaa inay tahay Hadiyadda Maalinta Dhalashadiisa.

Marxuumka is-daldalay waxaa la oran jirey Jamaal Naasir Maxamuudi, oo 23-jir ah, kaasi oo Talaadadii la soo dhaafay isku daldalay

Xubnaha Dowladda Jarmalka ee Isbahaysiga ah iyo Mudanayaasha Barlamaanka dalkaasi waxay ugu baaqeen Ra’isul-wasaare Angela Merkel inay Wasiirkaasi xilka ka qaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here