Wasiirka Maaliyadda oo digniin u diray shaqaalaha dowladda Somalia

0
174

Wasiirka Wasaarddda Maalyadda Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ee aanan soo xadirin shaqada aysan qaadaneyn wax mushaar ah.

Waxa uu sheegay in mushaar la siinayo oo uu xaq u leeyahay qofkii u shaqeeya dowladda ee soo xaadira waqtigii loogu tala galay, kuna baxa waqtiga shaqada laga tagayo.

Dr. Bayle ayaa waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dad dowladda shaqaale ahaan ugu qoran balse meelo kale ka shaqeysta, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay dhammaatay

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay qofkii safraya ama ay dan qabsato ay ogeysiiso madaxda ka sareysa si loola socdo cudur daarka oo uu qofka shaqada uga maqan yahay.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan isku raacsanahay qofkii shaqeeya ee soo dhidhida xaqiisa inuu helo, qofkii aan shaqeyn inaan mushaar siin, waxba yuusan kuu soo war wareegin oo aanu xildhibaano kuusoo kaxeysan, ma qaadan doontid mushaar hadii aadan si sax ah u shaqeyn.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxa ay dib u habeyn ku sameyneysay mushaaraadka shaqaalaha iyo hubinta dadka dowladda shaqaale ahaanta ugu diiwaangasahan ee aan shaqaynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here