{DAAWO SAWIRADA} Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Aduunka oo Baladweyne Lagu qabtay Manta

0
100

Munaasabadan oo aheeyd mid lagu xusayey maalinta dhalinyada aduunka ayaa waxaa ka qeeyb galay maamulka Gobolka Kan degmada ururada dhalinyarada habeenka ee ka jira magaalada baladweyne.

Inta ay socotay munaasabada ayaa looga hadlay caqabadaha haysta dhalinyarada soomaliyed gaar ahaan kuwa magaalada baladweyne iyo sida looga gubi karo.

Gudoomiye kuxigeenka Ururka dhalinyarada Gobolka Hiraan Qadar axmed Cabdulle oo ugu horeeyn munaasbada ka hadlay ayaa maamulka heer Gobol iyo heer degmo ugu baaqay in fursado shaqp lasiiyo dhalinyarada jaamacadaha ka soo qalin jabiyey eeku nool magaalada.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan maxamed C/qadir maxamed  ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dhalinyarada soomaliyed la mideeyo si dalka hormar ugaaro.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha siyaasada Gobolka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka dadaali doonan sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada reer Baladweyne ee waxbaratay.

Intaasi kadib ayaa dhalinyadii kulanka ka qeeyb galay waxa ay manta ulolo nafaada ah ka saameen EX xar untii hore ee daraawiishta oo ku taalla bartamaha magaalada baladweyne

S/Q Cabdi axmed Xuseen 

Radio Hiiraanweyn Baladweyne 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here