{DAAWO MUQAALKA} Dekeda Muqdisho oo bilowday xilli habeen ah inay shaqeyso

0
90

Dekeda Muqdisho oo ah dekeda ugu weyn dalka Soomaaliya ayaa bilowday caawa inay shaqeyso xilli habeen ah iyadoo dowlada federalka ay bilihii la soo dhaafay dadaal u gashay sidii ay dekeda habeen iyo maalinba u shaqeyn lahayd.

Dekeda ayaa waxaa caawa booqday mas’uuliyiin kala duwan iyagoo u kuurgalayay sida ay howlaheeda ay u socoto waxaana mas’uuliyiintaas horkacayay Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxaana ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada, saraakiisha amaanka kormeeray caawa dekeda.

Tan iyo burburkii dowladii hore Siyaad Barre dekeda Muqdisho waxa ay ku koobneyd howlaheeda maalinta oo kaliya iyadoo xilliyadii dowladii hore iyo muddo ka sii horysayba ay shaqeyn jirtey habeen iyo maalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here