{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Degmada Buulo Burde Oo Hal-sano Jirsaday

0
226

Munaasabadan oo aheyd Mid lagu xusayey sanad guradii 1aad ee kasoo waregatay Markii Maamulka Degmada Buula burde losoo magacaabay Gudomiyaha Degmadaasi Cabdi Daahir guure karoore ayaa manta Lagu qabtay Degmada

Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qabiyey ururka Dhalinyarada Dagmada Bula burde waxaa kasoo qeebgalay odayaasha dhaqan ururka haweenka fanaaniita buulaay band iyo qeeybaha kaladuwan ee ku dhaqan dagmada buula.burte

gudoomiyaha ururka dhalinyarada xasan axmad cilmi geesdiir ayaa ku amaanay Maamulka Degmada waxqabadkii mudadii uu jiray iyo la shaqeeynta shacabka degmada waxaana uu tilmamay in marxalado aad u adag uu soo maray

Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay in mudadii ay Xafiiska Joogen ay Hirgaliyeen Xarunta Maxkadamada Xarunta Ciidamada Booliska iyo Xarumo kale waxaana shacabka Reer Buulo Burde ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here