{DAAWO SAWIRADA} Tirada dadkii ku dhintay duqeyntii sacuudiga maanta ka geystay yemen oo korortay

0
107

Waxaa is soo taraya tirada ardadii ku dhimatay weerarkii maanta diyaaradaha dagaalka xulufada sacuudiga ay ka geysteen gudaha dalka yemen.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 ruux oo u badnaa caruur kuwaasi oo saarnaa gaariga bus ah oo ardada isticmaalaan.

Gaarigan oo marayay bar koontarool oo ciidamada xuutiyiinta ku leeyihiin gobolka Sacda oo xuduud la leh wadanka sacuudiga ayaa qasaare ba,an geystay.

Hey,ada bisha cas ee dalka yemen ayaa arintaan xaqiijisay iyadoo dowladaha xulufada ay ka gaabsadeen.

ku dhowaad 48 ruux oo qaba dhaawacyo daran oo sodon ka mid ah ay yihiin caruur ayaa la dhigay isbitaalada inkastoo qaarkood xaaladooda laga deyrinayo.

Warar ka inaga soo gaaraya dalka yemen ayaa waxaa sidoo kale ay sheegayaan in tirada dhimashada ay hada gaartay 50 ruux,kuwaasi oo qaarkood ugu dhintay isbitaalada gobolka Sacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here