“Juventus waxa ay ku guuleysan kartaa Serie A bisha Febraury”! Cassano.

0
251

Laacibkii hore xulka qaranka Italy ee Antonio Cassano ayaa sheegay in Juventus ay ku guuleysan karto Serie A bisha February, haddii ay doonayaan inay ku guuleytaan tartanka Champions League-ga.

Juve ayaa ku guuleysatay Scudetto toddobadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, waxaana ay hardan ugu jirtaa hanashada tartanka horyaallada qaaradda Yurub xilli ay lasoo saxiixdeen Cristiano Ronaldo.

Weeraryahankii hore ee kooxaha Roma, Real Madrid, Inter Milan, AC Milan, Sampadoria iy kooxo kale ayaa qiray inay jiraan kooxo kale awood leh sida Roma, Inter iyo Lazio.

“Haddii ay rabaan, waxa ay ku guuleysan karaan horyaalka bisha February, ka dibne waxa ay ka fikiri doonaan Champions League-ga” ayaa ka mid ahaa hadalladii Cassano.

36-jirkan ayaa ku tilmaamay Bianconeri inay saddex illaa afar sano ay ka horreyso kooxaha kale, isla markaasna isu diyaariyaan si ka dhammeystiran kuwa kale iyagoo uga mahad celinaya fikradahooda, go’aannadooda iyo dakhligooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here