Radio Hiiraanwayn Fm Oo Soo Tabin Doonta Kulanka Finalka FA Community Shield Ee Chelsea iyo Manchester City

0
120

Chelsea iyo Manchester City ayaa fooda isku dari doona maanta Finalka FA Community Shield oo ka dhacaya gegida Wembley ee magaalada London.

City ayaa kal cayaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka Premier League waxayna ku qaadeen dhibco rikoodha oo ah 100 dhibcood, Halka naadiga Blues lagu naaneyso ay xagaagii lasoo dhaafay ay qaaday tartanka FA Cup.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Finalka FA Community Shield

Waqtiga: 05:00 pm (SGA)
Baahinta Kulanka Radio Hiiraanwayn
Garsooraha: Jonathan Moss
Tabiyaha Kulan Cabdishakuur cabdiqaadir Cali Shaakuur shakra
Garoonka: Wembley

Wararka Labada Koox

Saxiixyada cusub ee kooxaha City iyo Chelsea ee Riyad Mahrez iyo Jorginho ayaa la filaa inay cayaaran kulamadooda koowaad ee labada naadi.

Mahrez oo £60m ay kala soo wareegeen Leicester ayaa taam ah kaddib dhaawac anqawgaa oo soo gaaray kulamadii saaxiibtinimo. Halka Jorginho oo ka doorbiday City dhigooda Chelsea markii uu ka dhaqaaqay Napoli, ayaa muujiyay hormar wanaagsan wuxuuna soo bandhigay kubbad cajiib ah.

Kulanka maanta dhici doona waa dheesha ugu horreeysa uu tartan rasmi ah leyliyo Chelsea macalinka cusub ee Maurizio Sarri.

Labada koox ayaa koobkan qaaday min afar jeer, iyadoo ay Chelsea qasaaro rigoorayaal ah kala kulantay finaalkan naadiga Arsenal xagaagii hore.

Kooxdii u dambeeysay ee ku guuleysata koobka Community Shield intaa kaddibna qaada horyaalka Premier League waxay aheyd Manchester United sanadkii 2010.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

City ayaa markii u dambeeysay oo ay qaaday koobka Community Shield waxay aheyd 2012, xiligaana waxay guul ka gaareen Chelsea cayaar ku idlaatay 3-2 oo ka dhacday garoonka Villa Park.

Chelsea ayaa eegeysa inay qaado koobka Community Shield markii u horreeysay tan iyo sanadkii 2009, markaana waxay garaaceen Manchester United oo ay rigoorayaal 4-1 ay kaga badiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here