Shirka daahfurka golaha dhaqaalaha Qaranka oo Muqdisho ka dhacay.

0
167

Wasaaradda qorsheeynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho ku qabatay madal lagu furayay  shaqada Golaha dhaqaalaha qaranka, oo dhawaan la magacaabay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa Daah furay Golaha wuxuuna sheegay in kaalin muhiim ah ay goluhu ka ciyaari doonaan koboca dhaqaalaha Qaranka.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Jamaal Xasan oo kulankan lagu daahfurayay  shaqada golaha dhaqaalaha qaranka ka hadlay, waxaa uu faah-faahin ka bixiyay qaabka uu u howlgeli doono Golaha dhaqaalaha Qaranka

Qaab dhismeedka Golaha Dhaqaalaha Qaranku waxa uu ka kooban yahay

1- Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirrada

2- Gudoomiyaha Bangiga Dhexe

3-Madaxda dowlad goboleedyada

4-Shan Xubnood oo la taliyayaal ah (National Advisory) oo lagu soo xulo aqoontooda Cilmiga dhaqaalaha iyo khibraddooda dhaqaalaha isla markaana aqoon dheer u leh maamulka maaliyadda dowladda, kuwaas oo kala taliya golaha dhanka farsamada iyo diyaarinta dokumentiyada la hor geynayo golaha.

Golaha dhaqaalaha qaranka ayaa waxa la magacaabay 25-kii July ee sanadkan, iyada oona la dalbaday in la dhiso golaha  intii uu socday shirkii golaha amniga qaranka ee beydhabo ka dhacay intii udhaxeysay 3-5 bishii June ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here