WAR DEG DEG:-Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Hubeysanaa

0
106

Wararka naga sogaaraayo Muqdisho  ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku toogteen Nin hubeysan.

Ninka ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu watey qoriga AK47,isla markaana uu ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya,laguna dilay agagaarka Busteejada ay ka baxaan Gawaarida aada deegaanka Ceeldheer ee Gobolka Gaduud.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka uu ka mid ahaa askarta Ciidamada dowladda,balse uu dad soo diley,sidaasina ay Ciidamada dowladda ku dileyn ka dib markii uu ka dhega-adeegay in uu hubka dhigo.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowlada ayaa goobta dilka ka dhacay soo gaarey,waxana meydka loo qaaday Xarunta dambi-baarista CID-da ee Magalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here