Wararkii Ugu Danbeeyey Lix ruux oo Itoobiyaan oo lagu dilay Jabuuti

0
89

Ugu yaraan Lix ruux oo Itoobiyaan ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay lagu dilay dalka Jabuuti sidda ay xaqiijisay Warbaahinta dalka Itoobiya.

Dadka dhintay oo Oromo u badan ayaa waxaa dilay Kooxo ka careysan dad Jabuutiyaan oo dhawaan lagu dilay Magaalada Diridhaba ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in la bililiqeystay dukuumo ay leeyihiin dadka Oromadda ah oo ku yaalla dalka Jabuuti.

Falkaan ayaa cabsi weyn ku abuuray boqolaal qof oo Itoobiyaan oo kunool dalka Jabuuti.

Ciidamada Booliska dalka Jabuuti ayaa xiray qaar ka mid ah dadkii falkaasi geystay, waxaana dowladda ay iska xilsaartay ilaalinta dadka Itoobiyaan ah sidda uu sheegay Sarkaal u hadlay Booliska Jabuuti.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here