Xilliga La Soo Bandhigi Doono Arturo Vidal Iyo Ciyaaryahannada Uu Sugi La’yahay In Uu Ka Garab Dheelo

0
231

Arturo Vidal waxa uu u hamuun qabaa ka garab dheelidda Lionel Messi kaddib markii uu ka soo dagay Barcelona.

27 jirka waxa la soo bandhigi doonaa isniinta kaddib markii ay £27million uu uga soo waregay Bayern Munich.

Laacibka reer Chile waa uu isha ku hayaa saddex sano oo uu koobab badan la qaado kooxda Camp Nou.

“Daacaddii aad ayaan u faraxsannahay,” ayuu yiri. “Waxaan sugayaa in aan tababar la sameeyo koox wadaageysa, xirashada funaanadda caanka ah, oo aan wax walba oo muhiim ah sameeyo.

“Waa riyo. Waxaan rejeynayaa in aan ujeedooyinkeyga gaadho. Halkan waxaan u Imi halkan in aan ku guuleysto dhammaan koobabka  wax walba waxaan ku bixi doonaa garoonka si aan himilooyinkaas u gaadho.”

Mar la weydiiyey waxa uu ku soo kordhinayo Catalan, Vidal waxa uu ku daray: “Dagaal badan, jaceyl badan, caawinta kooxda mar walba, aniga oo xaqiijinaya in aan mar walba badino.

“Inta lagu jiro saddex sano ee qandaraaska, waxaan rejeynayaa in aan wax walba ku guuleysto ee aan u dheelayo.

“Waxaan ku faraxsanahay la ciyaaridda Messi, Luis Suarez, Sergio Busquets….dhammaan waa ciyaaryahanno wanaagsan.”

Vidal waxa uu noqonayaa ciyaaryahankii afraad ee Barcelona ku soo biiray xilli ciyaareedkan kaddib Arthur, Malcom iyo Clement Lenglet.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here