{AKHRISO} Maamulka Soomaaliland Oo Joojiyay Shidaal Uga Imaan Jiray Itoobiya

0
94

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga soomaaliland ayaa amray in la joojiyo Shidaal Magalada Bali-gubadle uga imaan jiray dalka Itoobiya oo ay xaduud la leedahay kaas oo dadka Magaaladaas ku nool ay isticmaalaan.

Wasiirka ayaa arrintaan sabab uga dhigay in soomaaliland ay dhawaan la wareegtay Haamaha shidaalka qorshahaana uu yahay mid suuq loogu sameynayo.

Dhinaca kale dadka ku nool Magalada Bali-gubadle ayaa amarkan ka soo baxay Wasiirka Ganacsiga soomaaliland waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid lagu cunaqabateynayo,sial markaana ay lu lug leeyihiin Mas’uuliyiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Magalada Bali-gubadle ayaa waxaa Maalin walba shidaal farabadan uu uga imaan jiray dalka Itoobiya,balse laga mamnuucay,waxana tallaabada ay Soomaaliland qaaday weli ka hadlin dowladda Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here