Al-Shabaab oo la wareegay deegaano hoos taga degmada Balcad

0
164

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab la wareegeen deegaanno ka tirsan degmada.

Goobjoogayaal sheegay in xoogag ka tirsan Al-shabaab gudaha u soo galeen deegaanada Yaaqle, Mukey Dheere, iyo Dhagax oo hoos-taga degmada Balcad.

Al-Shabaab ayaa dadka deegaanka isugu keenay goob fagaare ah, waxaana ay uga digeen inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ama xogo ay siiyaan.

Al-shabaab ayaa la wareegay deegannnadan kaddib markii ay halkaa isaga baxeen maleeeshiyaad taageersanaa maamulka ka dhisan degmada Balcad.

Deegaanada Al-Shabaab la wareegeen ayaa la sheegay inay illaa 15KM u jirto degmada Balcad.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira degmada Balcad, ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay difaacyo ka galeen duleedka degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here