Al shabaab oo nin oday ah ku dishay duleedka magaalada Baladweyne

0
197

Deegaanka Baardheere ee duleedka magaalada Baladweyne ayaa lagu dilay allaha unaxariiste Tawane Ciilow oo ahaa nin oday ah.

Wiil u dhalay Tawane Ciilow ayaa  sheegay in aabihiis ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab.

“Wuxuu ka baxay magaalada Baladweyne, wuxuu ku sii jeeday deegaanka Booco, gaari NOHA ayuu watay, Al shabaab ayaa ku qabatay deegaanka Baardheere, waa istaajiyeen kadibna waa dileen’ayuu yiri wiilka u dhalay allaha unaxariiste Tawane Ciilow.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysay dilkan la sheegay in Al shabaab u geysteen ninkan odayga ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here