Cabdala Cabdala oo saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
117

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa saaka muddo kooban lagu xayiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii uu is mari waa ka dhashay baasaboorka uu ku dhoofayay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdala Cabdalla loo diiday inuu ku safro baasaboorka Diblomaasiga dowladda, waxaana arrintaas doodeeda ay qaadatay muddo saacad ku dhow.

Ilo wareedyo ku dhow dhow garoonka ayaa sheegaya in Cabdalla Cabdalla aanu markii hore garoonka wax xayiraad ah ka oolin, balse arrinta xayiraadiisa ay sabab u aheyd dhanka baasaboorka uu ku safrayay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga qaaday baasaboorka Diblomaasiga ahaa, waxaana markii dambe uu ku safray Baasaboor Jabuutiyaan uu heystay.

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdala Cabdala ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxaa isku biirsaday xaalado kala duwan oo ka soo bilaabatay shaqo joojin lagu sameeyay, xafiiskiisa oo la jabsaday, xil ka qaadis iyo wareegto Madaxweyne oo looga xayuubiyay dhammaan darajooyinkiisa Ciidannimo oo uu ka gaaray Sarreeyo Guuto.

Dhowaan ayay aheyd markii uu dacwad ka dhan ah Agaasimaha Nabadsugida iyo kuxigeenkiisa uu u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, iyadoo gal dacwadeedkiisa oo ku jirtay eedeymo culus ay ka qabatay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here