{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyihii degmada Xamarweyne oo la siidaayay Sheegayna in Dhulka uu Bixinkaro Madaxweynaha Dalka,

0
143

Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa maanta laga sii daayay xabsi dhawaan lagu xiray ka dib uu eedeyn u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya iyo gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in si sharci daro ah oo loo xiray Markii uu diiday dhul ku yaalla Xamarweyne oo ay dhici rabeen Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Cumar Shariif Jeeg waxaa uu sheegay in dhulka ku yaalla Xamarweyne uu bixin karo oo kaliya Madaxweynaha Soomaaliya.

5-ta bishaan September ayaa shaqo joojin iyo xiris lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Xamar weyne Cumar Shariif Jeeg ka dib warqad ka soo baxday xafiiska Xuseen Maxamed Nuur oo xilligaas ahaa kusimaha guddoomiyaha gobolka banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here