{DAAWO MUQAALKA} Heshiiskii Dhaxmaray Madaxweynaha Hirshabelle iyo Dowlada Soomaaliya,

0
164

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Hirshabelle ay iska afgarteen tabashadii ay qabeen madaxda Maamulka Hirshabelle.

Waare oo Saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu sheegay wada hadal dhexmaray dowladda Federalka Somaliya, Madaxweynaha Hirshabelle, Ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi in ugu dambeyn la isla gartay xalinta Khilaafkaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sidoo kale dowladda Federalka Somaliya ugu baaqay inay ka shaqeyso sidii wada hadal ay ula gali laheyd xubnaha kale ee dowladda Goboledyada si loo xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

Waare wuxuu tilmaamay in tabashadooda markii hore ay aheyd arrimaha la xiriira dhanka ammaanka iyo in saami Dhaqaale laga siiyo Dakadda Muqdisho, arrintaasina la xaliyay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuusan waxba iska bedelin arrinta ku aadan ka mid ahaanshaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada dalka ka jira, islamarkaana arrintaasi sideeda tahay.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ciyaareysa door Siyaasadeed oo ay ku kala fur fureyso madaxda Maamul Goboledyada ee dhawaan xiriirka u hakiyay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here