{DAAWO MUQAALKA} Hooyada Dhashay Gudoomiyaha Degmada Xamar weyne oo Fariin u Dirtay Farmaajo,

0
154

Hooyada dhashay Gudoomiyaha Degmada Xamar weyne, ayaa ka hadashay xarigga wiilkeeda, waxaana ay sheegtay in wiilkeeda uu ku xiran yahay dabin loo dhigay.

Waxa ay sheegtay in Xisaabiyaha Dowladda hoose ee Muqdisho uu dabinkaas u dhigay wiilkeeda islamarkaana lacago loogu talo galay dad masaakiin ah uu xisaabiyaha dalbaday in saami laga siiyo.

Cumar Shariif Hooyadii ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka dalbatay in wiilkeeda laga siidaayo xabsiga si shuruud la’aan ah, iyadoo ilmaynaysay.

Cumar ayaa la xiray Arbacadii la soo dhaafay kaddib markii lagu eedeeyay in uu af lagaaddo u geystay Booliska Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Ra’isal wasaaraha Soomaaliya.

Muuqaal laga duubay Cumar ayaa muujinayay isaga oo taagan guri la bur buriyay oo ku yaalla Xamar weyne, kaas oo warqadda lagu bur buriyay uusan isaga ogeyn, isaga oo warqadda haya ayuu sheegay in Gurigaas la dumiyay isaga oo aan la ogeysiin musuq maasuqna tahay waxa ka socda Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here