{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Galmuduga oo Ka cabanaayo Faragilin ay ku haayso Dowlada Somaliya,

0
107

Sida aad wada ogtihiin waxaa 8dii bishaan ku soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo, magaalo madaxda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland shirkii golaha iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada Dalka, kaas oo uu kasoo baxay war murtiyeed xambaarsanaa qodobo muhiim ah oo ku wajahanaa Dowladda Federaalka, qodobadaas oo qeexayey cabashooyinka ay ka muujinayeen Dowlad Goboleedyadu arrimaha Amniga, Siyaasadda, Kheyraadka, Awood Wadaaga iyo Hanaanka Doorashada 2020, cabashooyinkaas oo saameeyey hanaanka wada shaqeyneed ee Dowladda Faderaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaa ku cadaa war murtiyeedkaas tala soo jeedinno muhiim u ah adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada taas oo ay sheegeen madaxda Dowlad Goboleedyadu inay hakiyeen wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Waxaa muuqaneysa in Dowladda Federaalka ay dhagaha ka fureysaneyso baaqyadii iyo go’aamadii ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada taas oo ay cadeyn u tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uusan furitaankii kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka soo hadal qaadin shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada iyo qodobadii ka soo baxayba, ayadoo lagu casuumay furitaanka kalfadhiga labada gudoomiye baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabeelle si ay u duraan warmurtiyeedkii ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, waxayna cadeyneysaa:-

1. In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uusan wax tix-galin ah siinin qodobadii ku cadaa war murtiyeedka ee qeexayey qaabka la isugu imaankaro, islamarkaana casuumaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

2. Faragalinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso Dowlad Goboleeyada.

3. In Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hormuud ka yahay faragalinta qaawan ee lagu hayo Dowlad Goboleeyada, kadib markii uu labada Gudoomiye Baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabeelle u balan qaaday wadashaqeyn.

Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka shaqeynayo faragalin qaawan oo uu ka wado deegaanada Galmudug qaarkood, si loo burburiyo dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo ASWJ.

Hadaba, waxaa ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Galmudug in ay ka dig-toonaadaan cawaaqib xumada ka dhalan karta faragalinta qaawan ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo aan ognahay dhibaatada uu soo maray dalku islamarkaana aan loo baahneyn in dib loogu celiyo ummadda Soomaaliyeed wixii lasoo maray.

Waxaa ugu baaqeynaa wax garadka, culumaa-udiinka, ururada bulshada rayidka, xisbiyada siyaasadeed, beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in ay si dhaw ula socdaan faragalinta qaawan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhammaad,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here