{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaano sheegay inay xilka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug

0
178

Xildhibaano fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegeen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaanadan oo tiradooda lagu shegay 147 xubnood ayaa waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ajandahooda ahaa cod u qaadist guddoomiyaha mooshinka ay ka keeneen maalmo kahor ee Cali Gacal.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed ayaa warbahinta goobjooga ka aheyd kulanka u sheegay in 146 xildhibaan ay u codeeyeen xilka qaadista guddoomiye Cali Gacal Casir, halka hal xildhibaan oo kaliya uu ka aamusay, sidaasina uu xilka ku waayay guddoomiye Cali Gacal.

Xildhibaanada kulmay ayaa waxay kaloo sheegeen inta laga soo magacaabayo guddoomiye cusub in xilka uu si kumeel gaar ah u heyn doono gudoomiye kuxigeenka Koowaad Xareed Cali Xareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here