{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiayaha Cusub ee Gobolka Hiiraan oo Maanta Xilka La wareegay

0
238

Munaasabad si heer sare loo so agaasimay oo uu xilka kula wareegay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka hiiraan ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baladweyne ee Gobolka hiiraan . 

 

waxana munaasabada ka so qeyb galay Saraakiisha ciidamada AMISOM Iyo wasiiro ka socday Maamulka hirshabelle ururada Haweenka dhalinyarada Waxgarad iyo qeybaha bulshada.

 

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka hiiraan maxamed cabdulaahi  Buraale  Raaxe waxana uu ka dalbaday Madaxweynaha Maamulka hirshabelle  Cabdi  waare  in uu joojiyo Badalka isadabajoogaa ee lagu sameynaayo Gudoomiayaha Gobolka hiiraan .

 

Nabadoon Faarax Abdi Ware oo kamid ah nabadoonada Gobolka hiiraan ayaa sheegay  in aysan dacwad ka gudbin Madaxda maamulka gobolka  Balse aysan garan karin sababta loo badalo maarkasto waxana uu ku baaqay in la joojiyo hadalka  deg deg ah

 

Taliyaha Qeybta booliska Gobolka hiiraan Col: isaaq Cali Cabdi ayaa waxana uu reer hiiraan ugu baaqay in ay u istaagaan horumarka dalka dadka iyo deegaanka,waxana uu so jeediyay in madaxda ay galaan tartan lagu hormarinaayo gobolka Hiiraan.

 

Gudomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdulaahi axmed Maalin  Sufuroow ayaa Cafis ka dalbaday dadkii la so shaqeeyay  iyo dadkii uu madaxda u ahaa mudadii uu xilka hayay

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan  oo ka hadlay munaasabada ayaa u mahadceliyay Gudoomiyiihii hore waxana uu sheegay in uu la dhacay sida ay dadka u amaaneen iyo shaqadii adkeed ee uu ka qabtay fatahaada wabiga ee ku dhuftay Guud ahaan gobolka hiiraan.

Dabageed ayaa dhinaca kale waxaa uu yiri “Qofkii u dacwoodo meesha aay joogaan Al shabab  gaar ahaan deegaanada Booco iyo Luuq-Jeeloow waxana uu sheegay in ay xiridoonaan isla markaana ay ka qaadi doonaan lacag ganaax ah oo gaareyso  5 kun oo dollar ”

Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hirshabelle Mohamed Cali Caadle oo shahaado sharaf gudoonsiiyay gudoomiyihii hore ee Gobolka hiiraan Cabdulaahi axmed maalin sufuroow Sufuroow.

Wasiir Caadle ayaa yri “Waa in dadku aay isku xernaadaan qofkii maamulka kamid ah oo lashaqeeyn waayo Gud. Dabageed waan badaleeynaa,waxaan u baahanahay maamul hagaagsan iyo masuuliyad kala dambeeyn leh”.

Gabagabadii Gudoomiyiihii horre Ayaa xilka sii buuxda ugu wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka hiiraan Yuusuf axmed Hagar Dabageed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here