{DAAWO SAWIRADA} in kabadan 60 qof ayaa dhimatay ka ddib markii Doon weyn Ay La rogmatay,

0
138

Ugu yaraan 60 qof ayaa dhimatay kaddib markii Doon weyn oo kuwa rakaabka ah oo ay saarnaayeen boqolaal qof ay ku degtay harada Victoria ee dalka Tanzania.

Saraakiisha dowladda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in tirada dadka Doonidu la rogmatay ay suuragal tahay inay ka badan tahay 200 oo qof.

Dedaaladda lagu soo samatabixinayo dadkaasi ayaa hakad uu galay ilaa aroortii hore ee saaka oo Jimca ah.

Doonta weyn ee MV Nyerere ayaa ku gadoontay meel u dhaw inta u dhexeyso labada jazeeradood ee Ukora iyo Bugolora.

Waxaa loo maleynayaa in sababta doontu ay u rogmatay ay tahay iyada oo si xad dhaaf ah loo raray kaddib makrii dadkii saarnaa ay dhinac ula liicday kaddibna ay gadoontay.

Saraakiisha xukuumadda Tanzania ayaa sheegay in doontu ay siday in ka badan 400 oo qof oo rakaab ah.

Ku dhawaad 100 qof ayaa la soo samata bixiyay halka 32 qof oo kalena la sheegayo inay xaalad adag ku sugan yihiin.

Inkasta oo tirada rasmiga ah ee shilkan uu khasaaruhu ka soo gaaray aanan wali la xaqiijin ayaa haddana wakaalada wararka ee Reuters waxay sheegtay in qofkii qeybinayay tikidhada doonta uu ka mid yahay dadka geeriyooday, iyadoo sidaasina ay ku luntay mashiinkii keydinayay xogta rakaabka saaran doonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here