{DAAWO SAWIRADA} Munaabasad Lagu Abaal Marinayey Kooxo Kubada Cagta Ah Oo Baladweyne Lagu Qabtay

0
111

Madashan oo aheeyd mid abaal-marino lagu gudoonsiinayey Kooxahii ka qeyb galay tartan kubada cagta ah oo ay qabteen dhalinyarada is xil-qaamay oo ku nool xaafada kooshin ee magaalada baladweyne waxaana ka qeeyb galay boqolaal dhalinyaro ah iyo quburo  dhinaca ciyaaradaha Gobolka  duqa magaalada baladweyne.

Tartnka ayaa ka waxaa qeeyb galay 8 kooxood oo ka kala socday xaafadaha kooshin iyo xaawo taaako waxaana lagu qabtay garoon kubada cagta ah oo ku yaalla xaafada kooshin ee Magaalada Baladweyne kaasi oo socday mudo hal bil ah.

Qaar kamid ah qaban qaabiyaasha Tartanka oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in markii ay arkeen hoos u dhaca dhinaca ciyaaraha baladweyne ay go’aan sadeen in tartanka ay qabtaan waxaana ay u hambalyeyen Kooxda laabta oo tartankan qaaday

Labada tababare oo is kugu soo haray finaalka ciyaarta oo kala matalayey kooxaha laabta iyo V I P ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yahiin Tartanka waxaana ay ugu baaqeen gudigii tartanka qabtay in ay sii wadaan madaama aysan jirin cid kale ooh or-marineeyso ciyaaraha Gobolka

Duqa Magaalada Baladweyne Cali cabduqaair Faarax ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay is xil qaamka ay sameeyen dhalinyarada qabatay tartanka kubada cagta waxaa uu balan qaaday in ka dowlad hooose ahaan ay si weyn ugu qeeyb qaadan doonan tartamadan oo kale waxaana uu fariin u diray Wasaarada Ciyaaraha Hirshabeelle.

Intaasi kadib ayaa Kooxahii ka qeeyb galay tartanka kubada cagta ah waxaa la siiyey Abaalmarino is kugu jiro koobkii iyo agabka ciyaaraha waxaana dhalinyaradii ka qeyb galay kulanka ay si aad ah usoo dhaweeyn dhalinyarada is xilqaamay ee tartanka qabtay.

S/Q Cabdi axmed Xuseen

Radio Hiiraanweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here