DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Xarunta Maamulka Degmada Hodan

0
117

Jugta qarax aad u xooggan ayaa goor dhaw laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo si wayn qaraxaan loo maqlay.

Wararka hor dhaca ah ee la helaayo ayaa sheegaya in Xarunta Degmada Hodan qaraxaan lagu weeraray, islamarkaana uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana dadka ku nool agagaarka Xarunta Degmada Hodan ay sheegayaan in qaraxa uu saameyn wayn gaystay.

Illaa hadda lama oga inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhabta ah ee qaraxaan ka dhashay.

Axadii la soo dhaafay ayeey aheyd markii Shabaab qarax Ismiidaamin ah ay ku weerareen Xarunta Degmada Hawlwadaag oo dad badan kala duwan ay ku dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here