{DHAGEYSO} Dowladda oo so bandhigtay lacagaha deeynta ah ee lagu leeyahay

0
114

Wasiirka wasaarada maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay lacagaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraya sida uu sheegay Afar Bilyan iyo Bar oo deyn ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay dowlado dhowr ah ay u yimmaadeen una sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin deymo balse ay u sheegeen in ay u direen caddaymo muujinaya saxiixyadii dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu dalku ka dhacay bur-bur, islamarkaana uusan jiri keyd loo noqdo.

Waxa uu xusay inay dowladaha qaarkood ku guul darraysteen in ay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taas oo keentay inay ka jaraan kharashaadkii ay sheegteen, waxayna hadda lacagta deynta ah ka dhigeysa 4 Bilyan iyo bar Dollar, halka ay markii hore ka ahayd 5 Bilyan iyo Bar.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay hagaajinta maamulka maaliyada si caalamku u aamino Soomaaliya loogana cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Wada hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro bisha May ee sanadka soo socda 2019.

Xukuumada Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa hagaajinta maamulka maaliyadda dalka oo sida uu sheegay wasiirka maaliyada ku xeran hormar la gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here