{DHAGEYSO} Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya oo ka dayriyay hanaanka Caddaalada,

0
99

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo xilka uu kasii dhammaanayo ayaa sheegay in awooda Sharciga Soomaaliya uu yahay mid aad u liita taasina ay sababto in uu dhaco Musuq Maasuq badan.

Waxaa uu ka dayriyay hanaanka Caddaaladda Soomaaliya oo uu sheegay in sanadihii lasoo dhaafay uu gaaray heerkii ugu horeyseeyay taasina ayay sababta in ay dadka Fursado dhanka Cadaalladda ah ay ka raadiyaan meelo kale.

“Xeerka sharciga waa daciif, Habka Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta wuxuu ku dhow yahay in uu istaago, laakiin awoodda ayaa weli ah mid xadidan, Dowladdu ma haysato habab lagu hubiyo in xukunka la fuliyo, Inta badan, dadku waxay u jeedaan dhanka  Al-Shabaab , halkan ay ka aadi lahaayeen dhanka dowladda” ayuu yiri danjire Keating.

Waxaa uu sheegay  in Musuq maasuq daran uu ka jiro Soomaaliya, taasina ay saameyn doonto dadka aan la heyn Awoodaha ee Saboolka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu dagaallamaayo Musuq Maasuqa dalka ragaadiyay, waxaana jiro xubno dowladda ka tirsanaa oo xabsiga la dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale dhankiisa qiray kal hore in Caddaaladda ka jira Maxkamaddaha dowladda, laakiin waxaa uu isbedel ku sameeyay Madaxda Maxkamaddaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here