{DHAGEYSO} Wasiirka Amniga Jubbaland oo dowladda Somaliya ku eedeeyay in aysan waxba kala socon Xaaladda Ammaan ee Dalka

0
141

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janaan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan waxba kala socon Xaaladda Ammaanka ee Somaaliya xilli dhibaatooyin badan ay la kulmaayaan Ciidamada dowladda.

Waxaa uu sheegay in ay muhiimn tahay in la helo dowlad la socota Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya iyo guud ahaan Xaaladdaha dalka.

Dowladda hadda ay jirto ayuu ku eedeeyay  ay ku mashquulsan tahay Baraha Bulshadda ,islamarkaana ay ka jawaabto oo kaliya waxyaabaha ay ku aragto Baraha bulshadda.

Janan ayaa xusay in maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab dad Shacab ah ay ku dileen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, dowladda Soomaaliyana ay ku mashquushay aroos Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here