Dil Iyo Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
157

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya loogu geystay Suuqa Bakaaraha ee Magalada muqdisho.

Dilka askariga kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo doonayey inay qaadaan meydka Askariga,waxana la sheegay in laba bam gacmeed lagu weeraray askartaas.

Weerarka bam baanoyinka ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in ay ku dhaawacmeen laba ruux oo shacab ah,waxaana askariga la dilay Magaciisa lagu soo koobay Dhocey.

Ciidamada dowladda ayaa haatan waxa ay howlgal ka wadaan halka uu dilka ka dhacay mana jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilkaas iyo weerarka bam baano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here