FAAH FAAHIN Khasaare ka dhashay Ciidamo ku dagaalamay Muqdisho

0
123

Ciidamada ka kala tirsan Milatariga iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta ku dagaallamay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob la sheegay in ay Isbaaro u tiilay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Sidda ay Hiranweyn  u sheegeen Qaar ka mid ah dadka kunool degmada Kaxda gaar ahaan halka loo yaqaano MCH-ka, waxaa dagaalkaasi ku dhintay labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Ciidanka Booliska.

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayay la wareegay goobtii ay ku sugnaayeen Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay talisyadda Ciidamada qalabka sidda oo ku aadan dagaalkaan Khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay degmada Kaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here