FAAH FAAHIN qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan Jubbaland

0
99

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa wuxuu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ka ambabaxay magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday degaanka Cabdalle Biroole, wuxuuna qaraxa qabsaday gaari ay saarnaayeen ciidanka Jubbaland.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ciidankii saarnaa gaariga Cabdi Bilaha ahaa, kuwaasi oo aan tiradooda laheyn.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan lagu bartilmaameedsaday ciidanka Jubbaland, waxayna tilmaameen inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidanka Jubbaland.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, waxayna tilmaameen khasaaraha dhankooda soo gaaray inuu yahay mid kooban.

Ururka Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada nuucaan oo kale ah waxa ay la eegtaan ciidanka Jubbaland iyo kuwa AMISOM, marka ay ku socdaalayaan duleedka magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here