Gabar ardayad aheyd oo lagu dhex dilay Jaamacad ku taalla Magaalada Muqdisho

0
135

Gabar ka mid aheyd ardayda Jaamacada Somalia ayaa goor dhow lagu dhex dilay gudaha xarunta Jaamacadaas faraceeda degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan oo gudaha u soo galay jaamacada ay fasalka dhexdiisa ku toogteen gabadhan ardayada ah.

Raga dilka geystay ayaa la sheegay iney baxsadeen, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn cidsa ay ahaayeen raggan iyo sababta ay u beegsadeen gabadhan ardayada ah.

Ciidamada amaanka ayaa hadda ku sugan xarunta jaamacada Somalia halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, waana markii ugu horeysay ee fal noocan uu ka dhaco jaamacadaha ku yaalla magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here