Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Musharixiin Uu Ku Jiro Muqtaar Roobow

0
70

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa xalay Magalada Muqdisho uu kulan kula qaatay musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Musharixiintaan oo dhawaan la filayo inay gaaraan Magalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah,wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed Aadan Farkeeti  iyo Sheekh Muqtaar Roobow walow uusan isaga sicad u shaacin inuu yahay musharax.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sida ugu macquulsan oo ay ku dhici karto doorashada Koonfur Galbeed iyo in muhiim ay tahay isbedel in la sameeyo,waxaana jira musharixiin qaarkood ugu cadcad doorashada,kuwaas oo la tartami kara Shariif Xasan oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax.

Musharixiinta qaar kood ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay qasab in isbedel uu ku dhaco hoggaanka Koonfur Galbeed,loona baahan yahay in juhdi iyo waqti farabadan la geliyo,Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa waxa uu wadaa ol ole ku aadan sidii uu markale ugu guuleysan lahaa inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here