Guddoomiyaha Gobolka Banadir Oo Sheegay in Ay Awood u adeegsan doonaa soo celinta dhulka Jardiinooyinka”

0
104

Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa wuxuu sheegay inay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee gacanta dowladda loogu soo celin lahaa Jardiinooyinka iyo goobaha danta guud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Saddexdii July ee sanadkan go’aan ku soo saaray in dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka, go’aan kaas wuxuu ku ekaa bilawgii bishii August ee sanadkan, balse weli ma aanu dhaqan gelin.

Wuxuu sheegay qofkasta oo Soomaaliyeed oo heysta dhul dan guud ah in looga baahan yahay inuu si nabad ah ku soo celiyo, hadii kale qofkaasi ay ku imaaneyso xilli si xoog ah looga soo celinayo.

Eng. Yariisow ayaa qiray inay dhammaatay waqtii ay u qabteen ganacsatada, keliyana ay sugayaan goobahaas sidii gacanta loogu soo celin lahaa, dadka heysta goobaha danta guud ayuu ugu baaqay inay dowladda ku soo wareejiyaan.

“Waxaan wadnaa sidii goobaha danta guud dowladda loogu soo celin lahaa, qof kasta waxaa laga rabaa inuu si nabad ah ku celiyo danta guud ee uu heysto, hadii kale waxaa imaaneysa in si xooga ah looga soo celiyo, arrintaasi waqtigii aan u qabanay way dhamaatay, waadna arki doontaan dadka diidan in si xoog ah looga qaadi doono”. Ayuu yirii Duqa Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here