Hawlgal ka socda Baledweyne kadib dil loo gaystay Sarkaal Militari

0
158

Iyadoo xalay magaalada Beledweyne lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dawlada federalka Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda waxa ay ka wadaan gudaha xaafadaha howlago lagu baadi gobaayo dadkii ka danbeyay dilkaii xalay loo geysaty sargaal ka tirsan meleretiga soomaaliya.

Sarkaalka la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray Marxuum Muumin Xasan iyagoo ka dib ka baxsadeen goobtii ay dilkaasi ka gaysteen.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay howlgalo ka wadaan Xaafaddo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Hawlgalkan ay samaynayaan ciidamada dowladda ayaa xaafadaha laga soo saarayaa dhalinyarada iyadoo sidoo kale la diiwaan galinayo Xaafad walba dadka ku nool iyo tirada uu ka kooban yahay iyo dhalinyarada joogta waxa qay qabtaan.

 

Dad ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkan saakay ay Ciidamada dowlada ka wadaan gudaha Magaalada ay ku soo qab qabteen dad u badan dhalinyaro kuwaasi oo hadda baaritaano ay ku socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here