Iiraan oo si kulul ugu jawaabtay Mareykanka

0
116

Madaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump.

Ruuxaan ayaa sheegay in aysan jirin cid Iiraan ku qasbi karta in ay timaado miiska wadaxaajoodka.

“Dal ama qaran lagu qasbi karo malahan in miiska wadahadalada ay soo fariistaan”ayu yiri Mr Ruuxani.

Hadalka Ruuxaani ayaa yimid ka dib markii madaxwayne Trump uu ku baaqay in Iiran hal meel looga soo wada jeesto.

Madaxwaynaha dalka Iraan Xasan Ruuxaani oo khudbad ka jeedinayay golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Mareykanka ay wadaan cadaawad ka dhan ah dalka Iiraan.

Mr Ruuxaani ayaa xusay in aysan jirin wadan dal kale u caga jiglayn kara.

Madaxwaynaha dalka Iraan Xasan Ruuxaani oo ka jawaabayay weerar dhanka afka ah oo uu madaxwayne Trump ku qaaday Iiraan ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhaama in khilaafka lagu xaliyo wadaxaajood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here