Kofi Annan oo lagu aasayo dalkiisa

0
122

Waxaa soo idlaaday qabanqaabada toddobaadyada socotay ee loogu diyaar garoowayey aaska mid kamid diblomaasiyiinta loogu ixtiraam badanyahay qaarada Afrika.

Labadii maalmood ee ugu dambeeysay waxaa magaalada Accra ee dalka Ghana si aad ah looga dareemay aaska Annan, iyadoo dadka u dhashay dalkaasi iyo madax kale oo ka kala socota dalalka caalamka ay ka qeybgalayaan aaska Koofi Annan.

Dadka ka qeyb galaya aaska ayaa waxaa kamid ah marwadii kowaad ee hore ee Madaxweynaha Koonfur Afrika, Graca Machel.

Sidoo kale madax kale oo ka socda geeska Afrika, gaar ahaan dalalka Itoobiya, Ivory Coast iyo Zimbabwe ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Kofi Annan.

Milatariga dalka Ghana ayaa aaska Kofi Annan ku maamuusi doonaan salaan sharaf iyo toddobo iyo tobban madfac oo ay ridi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here