ku dhawad 100 Tahriibayaal Ku Dhintay Xeebaha Liibiya

0
132

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in muhaaajiriin ka badan 100 qof ay toddobaadkan dhinteen.

Muhaajiriintani ayaa sida ay hay’adda sheegtay ku dhintay xeebaha dalka Liibiya.

Dadkani muhaajiriinta ah oo intooda badan ka soo jeeda Afrika ayaa la socday labo doomood.

Sida ay sheegtay hay’adda MSF muhaajiriintani ayaa ku sii jeeday dalalka ku yaalla koonfurta Yurub.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday musiibadan ayaa MSF u sheegay in mid ka mid ah doomahani uu matoorka cillad kaga yimid islamarkana mida kalana ay quustay.

Ciidamada ilaalada xeebaha Liibiya ayaa qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday keenay xeebta dekadda magaalada Khoms.

Muddooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa hoos u dhacday tirada muhaajiriinta dhanka Yurub uga tallaaba badda mediterranean-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here