Kusimaha Madaxweyne DDSI oo dardaaran adag u jeediyay Ciidamada Liyuu booliska,

0
94

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka dalbaday Ciidanka Liyuu Boolis oo dhowr jeer lagu eedeeyay in ay geysteen tacadiyo kala duwan in ay ilaaliyaan Xuquuqda Aadaanaha.

Waxaa ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasto oo xadgudub u horseedi karto shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar  waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa Cidii xad gudub sameysa in uu ka qaadi doono tilaabo waafaqsan Sharciga.

“Waa in aad fulisaan dardaarankeeni ahaa in xuquuqda insaanka la ilaaliyo, oo wixii hore aad qabanayseen ee shaqooyin ahaa ee faraha badnaa aad ku dartaan in dadkii aad ka dhalateen ee aad u dhalateen iyagana aad ka farxisaan darajooyin iyo abaal gudyo baad heli doontaan” ayuu madaxweyne Mustafe Cumar oo la hadlayay ciidammada booliska.

Mustafe Cumar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda.

Wuxuu yiri “Hadday noqoto qaabka amar qaadashada qaabka loo wada shaqaynayo loo xiriiriya waxyaabo sharciga qoraya ayaa jiraa kuwaa aan raacno, uma baahnin wixii cusub, wixii qoran ee meel ku yaalla ayaan raacaynaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here