Madaxweynahayaasha Jabuuti iyo Eritrea Oo Ku Kulmaya Magaalada Adis Ababa

0
133

Maagalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmyaya shir ay yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa waxaa ajendayaashiisa ka mid ah in lagu saxiixo heshiiska kama dambeysta ah ee ay gaareen dhinacyada dalka Koofurta Suudaan iyo in Ururka ay dib ugu soo biirto Dowladda Eritrea oo tobankii sano ee la soo dhaafay ka maqneyd.

Kulanka Wasiirrada arrimaha dibadda waxaa xiga kulanka madaxweynayaasha dalalka ku jira IGAD,waxaana marka ay ku biirto Eritrea kaddib Adis ababa tagaya Madaxweynaha Eritea iyo Madaxwynaya Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegayaa in halkaas lagu dhexdhexaadin doono iyada oo ay horay u jirtay in labada dalba Madaxweynayaashooda ay casuuntay dowladda Itoobiya.

Waddamada Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa ay tobankii sano ee la soo dhaafay ku kala tagsanaayeen muran dhinaca sohdinta ah.

Dadaalka la isugu keenayo Dalalka Eritrea iyo Jabuuti waxaa iska kaashanaya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,waxaana todobaadkii hore Wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal iyo dhiggooda Eritrea ay tageen Jabuuti halkaas oo uu kulan ku dhexmaray islamarkaana heshiis horudhac ah lagu gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here