Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo si kulul uga hadlay go’aankii ka soo baxay maamulada ka jira dalka

0
159

Cali Cabdulahi Cosoble madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle  ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aankii madaxda maamul goboleedyada ka soo saareen magaalada Kismaayo, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka.

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali  Cabdulahi Cosoble ayaa sheegay in go’aanka maamul goboleedyada uu yahay mid qaran dumisnimo ah, isla markaana ay u hadleen sidii ajnabi oo kale.

“Go’aanada Kismaayo ka soo baxay waa mid qaran dumisnimo ah, waxay aheyd inay cabasho iyo talo soo jeediyeen, qaabka au u haldaan ee ahaa waxaas ayay dowladda ku fashilantay waxay u hadleen sidii ajnabi oo kale, waana wax lala yaabo”ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Cali Cabdulahi Cosoble ayaa  ku eedeeyay in dowlad goboleedyada ay doonayaan inay dumiyaan dowladda Dhexe, isla markaana dib loogu laabto shirarkii dib u heshiisiinta.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa war murtiyeed ay shalay ka soo saareen Kismaayo oo uu maalmahan shir uga socday waxay ku shaaciyeen inay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka, iyadoo eedeymo badan u soo jeediyay dowladda Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here