Mareykanka oo kordhinaya dagaaalka Drones-ka ee ka Howlgala Soomaaliya

0
134

C.I.A-da Mareykanka ayaa wuxuu sheegay inuu kordhinayo weerarada cirka ah ee ka dhanka ah kooxaha ka dagaalama Afrika, bacdamaa uu dhimayo ciidanka dhulka ka hawlgala.

Warbixin uu soo saaray C.I.A-da ayaa waxaa lagu sheegay 800 askari oo Mareykanka ka jooga dalka Niger in laga qaadayo, islamarkaana lagu bedelayo saldhig diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo halkaasi ka hawlgalaya.

Warbixintan oo lagu soo hadal qaaday duqeymaha laga fuliyo Soomaaliya ayaa khasaaraha dadka rayidka ah ee Soomaalida ah gaaray ila hadda lagu sheegay inuu dhan yahay 22 ilaa 37 oo dhimasho ah.

Mareykanka ayaa tan iyo markii uu bilaabay hawlgalka Soomaaliya wuxuu fuliyay 92 weerar oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 743 qof.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan amray in la kordhiyo weerarada diyaaradaha Drones-ka ka fuliyaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here