Maxkamad ku taal Magaalada Dhuusamareeb oo lix bilood xarig ku xukuntay Wariye

0
167

Maxkamad ku taal magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa maanta xukun waxa ay ku riday Wariye ka hawlgalaayay Magaaladaasi.

 

Wariyaha ayaa maalmahan wuxuu ku xirnaa xabsi ku yaalo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana maanta ugu dambeyn la sooo taagay maxkamadda darajada koowaad ee Galmudug.

Maxkamadda ayaa wariyahan ku eedeysay inuu baahiyay warar qalqal gelinaya amniga, inuu baahiyay in Al Shabaab ay yimaadeen degaanka Bulacle oo 30-KM u jira magaalada Dhuusamareeb iyo inuu baahiyay in ciidanka Galmudug ay qabteen askar ka tirsan ONLF oo uu sheegay in maamulka uu ku wareejiyay Itoobiya.

Intaasi kadib ayaa maxkamadda waxa ay sheegtay xukunka wariyaha inuu noqday lix bilood oo xabsi ah, islamarkaana uu haysto racfaan inuu qaato 24-saac gudahood.

Ehelada ninkan ay maxkamaddu xukuntay ayaa waxa ay sheegeen in aysan ku qnacsaneyn xukunka maxkamadda, islamarkaana ay ka qaadan doonaan racfaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here