Nin looga shakiyay in uu Al-Shabaab Ka tirsan Yahay oo lagu qabtay isbitaalka Lamu,

0
126

Ciidamada Booliska Gobolka Lamu ayaa xiray nin la tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaabka  Soomaaliya sidda ay shaaciyeen Warbaahinta dalka Kenya.

Taliyaha Booliska ee Gobolka Lamu Paul Leting ayaa sheegay in ay sidoo kale ninkaasi ku  qabteen walxo looga shakisan yahay in loo adeegsan rabay samaynta waxyaabaha qarxa (IEDs).

“Waa run, Waxaan haynaa nin aan ka shakisanahay inuu xiriir la leeyahay argagixisada,su’aalo weydiineynaa  Waxaan sidoo kale heynaa waxyaabo kale oo aan u maleyneyno  qalabka loo adeegsado IEDs, “ayuu yiri Mr Leting.

Sarkaal bilays ah oo la hadlayey The Nation ayaa dhankiisa sheegay  in ay xireen nin ka tirsan shaqaalaha King Fahad County Hospital.

“Waxaan sidoo kale isku dayeynaa in aan fahanno sida dhabta ah ee uu ula shaqeynayay shaqaalaha isbitaalka sababta oo ah maahan bukaan” ayuu yiri sarkaalka

Dalka Kenya ayaa waxaa ka jira Cabsi badan oo ku aadan in weeraro ay kusoo qaadaan Al-Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday howlgallo Ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here