Qaar Kamid Ah Shacabka Baladweyne Oo Taageeray Go’aankii Shirkii kismaayo kasoo baxay

0
173

Qeeybaha Kala duwan ee Bulshada ku Nool magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyey Gu’aankii Madaxda Maamul Gobolyeedka Dalka ay ku Gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Madaxda ururada Magaalada oo la hadlay Idaacada Hiiraanweyn Xarunta Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay taageeren Gu’aanka madaxda maamul goboleedyada Dalka ay u hakiyeen xaiirkii dowlada dhaxe ee Soomaliya

Sido kale waxaa ay dowlada Soomaliya ay ku eedeyeen in ay shacabka aysan ka war heeyn lacagaha loogu deeqo soomaliya meelaha lagu bixiyo waxaana ay dowlada soomaliya ka codsadeen in la cadeeyo meelaha aay ku baxaan lacagahaasi.

Ugu danbeeyn madaxda dalka ayey ugu baaqeen in ay fara kala baxdo arimaha maamul goboleedyada dalka oo ay sida ay sheegen faragalin ku haayaan madaxda qaarkood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here