Qarka Mid Ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran

0
139
A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood.

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen sababta loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho in aysan garaneyn, balse taliyeyaashooda ay amar siiyeen.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here