QM oo ka hadashay dadaallada ka socda Geeska Afrika iyo Wadahadalada Jabuuti iyo Eritrea.

0
106

Qaramada Midoobey ayaa soo dhaweysay dadaalada ka socda geeska Afrika ee lagu doonaayo in lagu soo Afjaro xiisadda Siyaasadeed ee ka dhaxeysa dowladdaha geeska Afrika.

War kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu soo dhaweeyay Kulankii  lagu qabtay 6-dii Sebtembar dalka Jabuuti kaasoo oo keenay in la saxiixo Heshiis Wadashaqeyn ah oo u dhexeeya Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in heshiiskii ay gaareen afarta Wasiir ee ku aadan dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida gobolka  uu tusaale wanaagsan u yahay Bulshadda  geeska iyo tan ka baxsan.

“Xoghayaha Guud wuxuu mar kale ku celinayaa diyaarinta Qaramada Midoobay si ay u taageeraan wadamada gobolka Geeska Afrika si loo xoojiyo guulihii ugu dambeeyay ee la gaaray.” ayuu yiri Afhayeenka.

Dowladdaha geeska Afrika ayaa wadda dadaallo ku aadan in heshiis ay wada gaaraan dowladdaha Jabuuti iyo Waliba Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here