Shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Oo Mushaar La’aan Ka Cabanaya

0
96

Inta badan shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahaar ah qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBC-da u xaqjiyeen mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba.

Shaqaalaha magaalada Jigjiga ayaa iyagu qaatay mushaar hal bil ah, wararkuna waxay sheegayaan in bil kale ay wali ka maqan tahay.

Daganaansho la’aantii siyaasadeed iyo isbaddalkii baaxadda lahaa ee ka dhacay Jigjiga ayaa horseeday in ay hawlgab inta badan wasaaradihii iyo adeegyadii ay bixin jireen.

Mushahaar la’aanta ayaa saamayn baaxad leh ku yeelatay shaqaale hoosaadka.

“Waxaan ahay aabo dhalay toddobo carruur ah, mushaar ma qaadanin labo bilood, maciishaddii way qaaliyowday, labo ciidood ayaa na soo maray, marka nolosha ayaan la daalaa dhacaynaa” ayuu yiri Cabdiraxman Axmed oo Caamir ku magac dheer oo bare ka ah magaalada Shaygoosh ee gobolka Qoraxay.

Wasaaradda waxbarashada ayaa labada bilood ee ugu dambeeya sannadka dalka Itoobiya macallimiinta siisa waxbarasho bilaash oo ay bixiyaan koleejyada iyo jaamacadaha Itoobiya si sare loogu qaado aqoontooda.

Sidaas daraadeed macallimiinta gobollada ayay mushaar la’aantu saamaynta ugu badan ku yeelatay, sababtuna waxay tahay in dhammaantood waxbarasho loo geeyay meel ka baxsan goobihii ay ka shaqaynayeen.

 

“Soomaalidu waa dad iska firfircoon oo badankood way soo laabteen nin ehelkiisu ay gacan qabteen iyo mid si kale ku yimaadaba, haddase waxaa adag sidii loo hawlgalin lahaa maadaama ay qatan yihiin, ayuu yiri macalin Caamir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here